ALSO IN THE NEWS

Somalia:Terrorists receive 52 million dollars in Mogadishu annually.

0
Wednesday October 25, 2017 - 01:54:47 in Latest News by Super Admin
  • Visits: 3940
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:Terrorists receive 52 million dollars in Mogadishu annually.

    Sunatimes.com - It has been known that Al-Shabab receives 52 Million dollars annually from Mogadishu. It gets from commercial companies, and public as taxes (zakawat)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sunatimes.com - It has been known that Al-Shabab receives 52 Million dollars annually from Mogadishu. It gets from commercial companies, and public as taxes (zakawat)

Hawala (money Transfer) companies group A pay 1.8 million annually, which means they pay $150,000 monthly.

Hawala (money Transfer) companies group B pay $600,000 annually, which means &50,000 monthly.

Hawala (money Transfer) companies group C pay $240,000 annually, which means $20,000 monthly.

Telecommunication companies used to pay Al Shabab 1% of their profit every year, but some dealt with them last year to pay them 1.2 million, which means $100,000 monthly.

General trading companies, hotels, and other businesses pay taxes to Al Shabab without their presence in Mogadishu.

Companies and businessmen who pay Al-Shabab consist of those who admire them, those who share with their ideology and philosophy and use them as hitmen, and those who fear them.

Businessmen who pay Al Shabab are powerful to the extent that they can meet with top Somali and international community officials.

Those who pay Zakawat are allowed themselves and their employees to move fearlessly without escort.

Ironic stories that Waagacusub reporters came to know in that some civil servants and MPs pay Al Shabab 5% of their salary.

Why civil servants and MPs pay them?

Those civil servants and MPs who don’t have sufficient security escort area forced to make their own arrangements with them.  Arrangement consists of payment of 5% of their salary and providing government information.

Al-Shabab have got their own companies in Mogadishu and regions.  They make a lot of money in buying and selling land plots, and construction buildings in Mogadishu.

Everyone who is doing construction is to pay mandatory of 2% of the cost of the building.  There is also a court run by Al Shabab in Lower Shabelle  People go there to seek for justice.

Al-Shabab calls the defendant to defends case. Whether he is present or not, they reach verdict.  Failure to do abide their court decision is death.

Al Shabab have immense power inside Somalia.  Whenwe asked businessmen who collect money for Al Shabab why they don’t report to the government, they told us that many of the government officials work for them such as head of intelligence Zakaria Hersi who was former head of Amniyat Al-Shabab, and therefore they cannot trust them.

During our investigation, we’ve learned that three deputy ministers, two ministers of state, 61 MPs, and 7 commanders and intelligence officials work with Al-Shabab, who also receive every month what is called ‘bonus’ from the terrorists as insiders.

By Dahir Alasow

Investigative Journalist



Sirculus:Argagixisadda  52 Milyan dollar ayey ka helaan Muqdisho sanad walba ?
Waagacusub.com - Argagixisadda Al-Shabaab ayaa la ogaaday iney Caasimadda Muqdisho oo kaliya sanad walba ka helaan lacag dhan 52 Milyan oo dollar taas oo ay Shirkadaha ganacsigga iyo shacabka Muqdisho uga qaadaan Canshuur aruurin ay ugu magacdareen ZAKAAWAAT.
Shirkadaha Xawaaladaha Group A Waxeey sanad walba ka qaadaan lacag dhan 1.8 Milyan taas oo micnaheedu tahay iney bil walba bixiyaan 150.000$ boqol iyo konton kun oo dollar.
Shirkadaha Xawaaladaha Group B waxeey sanad walba bixiyaan 600.000$ Lix boqol kun oo dollar taas oo micnaheedu tahay bil walba 50.0000$ konton kun oo dollar.
Shirkadaha Xawaaladaha Group C waxeey sanad walba bixiyaan lacag dhan 240.000$ Laba boqol iyo afartan kun oo dollar taas bishiiba tahay 20.000$ Labaatan kun oo dollar.
Shirkadaha Isgaarsiinta  waxeey Al-Shabaab siin jireen 1% Faa’iidada sanad walba soo gala Shirkadda laakiin qaarkood ayaa sanadkii la soo dhaafay kula macaamilay iney sanad walba siiyaan 1.2 Milyan taas oo ah bishiiba 100.000$ boqol kun oo dollar.
Shirkadaha ganacsigga guud , Hoteladda iyo Goobaha Ganacsiga ee kala duwan ayey Al-Shabaab guud ahaan lacag Canshuura ka qaadaan iyagoon Muqdisho ka talin.
Shirkadaha iyo ganacsatadda Al-Shabaab lacagta siiya waxeey iskuugu jiraan kuwa qadiyad ahaan aaminsan oo falalkooda guracan u heeysta iney xaq tahay, kuwa siyaasad ahaan taabacsan oo dilal ay u fuliyaan ama danahooda kala shaqeeyaan iyo kuwa naftooda u baqaya oo lacagta baadda sidaas ku bixiya.
Ganacsatadda lacagaha taageeradda siiya Al-Shabaab waxeey awood u leeyihiin iney madaxda Dowladda Somalia ,kuwa beesha Caalamka la kulmi karaan markasta ,iskuna sawiri karaan laakiin kuwa lacagta Zakaawaatka u bixiya qaabka baadda ah waxeey fasax u qabaan kaliya iney meel walba mari karaan iyagoon ilaalo wadan iyo ineysan argagixisaddu dileeyn qofkasta oo ka mida shaqaalahooda.
Arrimaha yaabka badan ee Wariyeyaasha Waagacusub ogaadeen mudadii sanadka aheyd ee baarayeen ilaha dhaqaalaha argagixisadda ka helaan Muqdisho waxeey tahay "Qaar ka mida Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo shaqaalaha Dowladda Somalia oo bil walba Mushaaroodkooda 5% siiya Al-Shabaab”
Xildhibaanadda iyo shaqaalaha Dowladda maxeey lacagta u siiyaan argagixisadda ? .
"Xildhibaanadda iyo Shaqaalaha Dowladda ee aan heeysan Ciidan ku filan oo ilaaliya waxeey ku qasban yihiin iney heshiis hoosaad la galaan argagixisada,wuxuuna heshiiskaas dhigayaa inaan bil walba siino 5% Mushaarka aan helno iyo inaan xogta Dowladda siino markastooy nala soo xiriiraan” ayey yiraahdeen boqolaal ka tirsan baarlamaanka iyo shaqaalaha rayidka oo Waagacusub u xog waramay.
Al-Shabaab waxeey Muqdisho iyo goboladda Somalia qaarkood ku leeyihiin Shirkado ganacsi sida ganacsigga guud iyo kan dhulka.
Lacagaha ugu badan waxeey Al-Shabaab ka helaan kala iibsiga dhulka iyo dhismayaasha laga dhiso Muqdisho ,waxaana qofkasta oo dhul iibsada ku waajiba inuu bixiyo khidmo lacageed ugu yaraan 2% lacagta ku baxeeysa dhismahiisa gurigga.
Waxaa jirta Maxkamad argagixisadda leedahay oo ku taal Shabeeladda hoose, waxaana halkaas taga dadka guryaha laga heeysto iyo dad lacaga deeyn ah laga qabo.
"Gurigeeyga waxaan u dacwoonaayey laba sano ,waan ku guuldareeystay iney Dowladda Somalia iiga saarto dadka xooga iiga heeysta,waxeey Maxkamadaha Banaadir iga qaateen laaluush dhan15.000 ,Shan iyo toban kun oo dollar laakiin nasiibdaro ugu dambeeyn waxaan tegay Maxkamadda Al-Shabaab,waxeey iga qaateen 1500$ kun iyo shan boqol dollar, toban maalmood kadibna ninkii iga heeystay gurigga ayaa ii keenay furahii isagoo iga raaligeliyay qaladkiisa” ayuu yiri Nin qurba jooga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin xaalad amaan darteed.
Argagixisadda Al-Shabaab waxeey telefoon u dirayaan qofka deeynta qaba ama lagu dacweeyay inuu dhistay dhul uusan laheeyn kadibna waxeey siinayaan jaanis uu gurigga uga guuro, haddii uu sidaas sameeyn waayana waa dilayaan.
Sikastaba ha ahaatee waxeey argagixisadda Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha Somalia awood aan la dhayalsan karin maadama madaxda,Saraakiisha amniga Dowladda Somalia noqdeen kuwa la shaqeeya argagixisadda iyo kuwa magac u yaal ah oo aan si dhaba xil iskaga saareeyn amaanka Shirkadaha ganacsiga iyo shacabkooda.
Ganacsato ka mida kuwa Argagixisadda sanad walba siiya lacagta baaadda ah ayaan weeydiinay sababta ay kuwa lacagta u aruursha Shabaab,  ugu sheegi la yihiin Hay’adda amaanka Dowladda si loo qabto ?
Ganacsatadu waxeey ku jawaabeen " Saraakiisha amaanka waxeey u badan yihiin kuwa Al-Shabaabka la shaqeeya iyo kuwa Al-Shabaab ah,,tusaale Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Somalia Zakariye Hersi wuxuu ahaay Taliyahii Amniyaat-ka ama Sirdoonka Al-Shabaab,maanta Sirdoonka Dowladda ayuu madax u yahay sidaas darteed ma heli karno kalsooni aan ku bixino xog” !
Inta baarista socotay waxaan ku xaqiijinay iney jiraan seddex Wasiir ku xigeen, Laba Wasiiru dowle, 61 Xildhibaan, todobo taliye Ciidan iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka oo la shaqeeya Al-Shabaab kuwaas oo laftooda bil walba loo diro lacag gunno loogu magacdaray, oo argagixisadda siiyaan waxeey u yaqaanaan insider & Rumor.
By Dahir Alasow
Investigative Journalist
 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Copyright © 2009 - 2024 Sunatimes News Agency All Rights Reserved.
Home | About Us | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Suna TV | Contact Us