ALSO IN THE NEWS

Topnews:- Wariyahii weynaa oo ku geeriyooday Jigjiga kadib markii la sumeeyay?

0
Tuesday November 17, 2015 - 10:05:06 in Latest News by Super Admin
  • Visits: 5917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Wariyahii weynaa oo ku geeriyooday Jigjiga kadib markii la sumeeyay?

    Waagacusub.info- Canab Xasan Cawke oo la dhalatay allaha u naxariistee Wariyahii Soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke ayaa sheegtay iney xalay telefoon ka heshay walaalkeed Axmed Xasan Cawke oo ku yiri "Neefta ayaa i dhibeeysa,hadda ayaana isku arkay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.info- Canab Xasan Cawke oo la dhalatay allaha u naxariistee Wariyahii Soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke ayaa sheegtay iney xalay telefoon ka heshay walaalkeed Axmed Xasan Cawke oo ku yiri "Neefta ayaa i dhibeeysa,hadda ayaana isku arkayaa xanuunkaan cusub"

Ila wareedyo muhiima ayaa u sheegay Waagacusub in Wariye Cawke lagu sumeeyay Magaaladda Jigjiga ee ismaamulka hoos taga gumeeysiga Ethiopia.

Sumeeynta Wariye Cawke waxaa la xaqiijiyay inuu ka shaqeeyay wiil ka tirsan Sirdoonka Madaxtooyadda Jigjiga oo lagu magacaabo Deeq Laba Go’le una dhashay beesha Ogaden.

Deeqa Laba Go’le waxeey walaalo yihiin ninka heeysta Ciidanka Degaanka Somalida oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Laba Go’le.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa fulay qorshahii cadawga Somalida ,waxeeyna ifka ka qariyeen halyeey ka mida xiddigaha Somalida ku faanta ee lagu hardhay astaanka muuqaalka Jamhuuriyadda Somalia.

Wariye Cawke wuxuu kaalin lama iloobaana ka soo qaatay dagaalkii lala galay Xabashida,waxaana dad badan xasuustaan in Xabashida laga soo dhigay iyagoo afduubtay.

Xeeldheere u dhashay Dalka Eretria wuxuu yiri "Xabashida ma iloowdoo,waa aarsataa”

Nasiibdaradda ugu weyn waxeey tahay in khaarijinta  halyeey qiimo badan sida Cawke loo adeegsaday qof Somalia oo ab iyo isir ku aroora Somalinimo.

Cawke waxaa lagu xasuus doonaa sheeko,xigmad iyo madadaalo ,wuxuuna ahaay nin ku dhaata Somalinimadda.

Bahda Waagacusub waxeey tacsi xanuun badan u dirayaan dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wariyaha,waxaana tacsi gaara u direeynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Warfaafinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Copyright © 2009 - 2024 Sunatimes News Agency All Rights Reserved.
Home | About Us | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Suna TV | Contact Us