Dahabshiil –cadeymo tacadiyo iyo argagixisinimo.

Published On: Monday, October, 29 2012 - 14:46:44 This post has been viewed 8206 times

Share this post on: or Else
Dahabshiil sedex sano kadib –cadeymo tacadiyo iyo argagixisinimo.

Fanaanada weyn ee Reer Jibouti Nimco Jama Dagal ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeysay inay lacag dhan sedex Milyan oo dollar u balanqaaday qofkasta oo dila.

“ Bankiga Dahabshiil ku leedahay Magaaladaan aan ku noolahay ee Ottowa ayaa loo xilsaaray khaarijinteyda waxaana la soo dhigay lacag dhan sedex Milyan oo dollar,waxay Dhiigshiil ama Dahabshiil doonayaan inay I dilaan ,aniguna Hay’adaha amaanka Canada ayaan ku wargeliyay oo gurigeyga Kaamirooyin ayaa lagu xiray” ayey tiri Fanaanada Nimco Jamac oo Oct 13, 2012 Wareysi maqala bixisay ,Halkaan ka dhageyso.http://youtu.be/bYX54QQk-PA

Nimco DJama oo loo yaqaan Hooyada Fanaaniinta Jibouti waa fanaanad shacbiyad badan oo ka qeybgashay halgankii lagu xoreeyay Jibouti laakiin waxay dalkeeda ka baxsatay markii ay xireen Maamulka Madaxweyne Ismail Omar Geelle.

Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo ahayd Fanaanadii heesaheeda ku riday Xukumadii Somalia ee Mohamed Siyad Barre ayaa qaaday hees ay ugu magacdartay Dhiigshiil ha dhigan sanadkii 2010 kadib markii ay Dahabshiil ku eedeysay inay qofkii dila u balanqaadeen lacag dhan laba Milyan oo Dollar. Halkaan ka Daawo http://youtu.be/oUINxlTwdrg

Cabsi iyo walwal laga qabay in Shirkadda Dahabshiil oo lumisay macaamisha 70%khaarijiso Saado Cali Warsame ayaa amaankeeda loo adkeeyay,waxayna hada ka mid tahay Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee New UCID Faysal Cali Warabe ayaa markii ugu horeeysay marqaati furay in Shirkadda Dahabshiil lacag siisay Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland xilligii ay galayeen doorashadii Madaxtooyadda Somaliland sanadkii 2010.

“Xilligii ololaha doorashada Mulkiilaha Dahabshiil anigaba lacag ayuu I siiyay,wuxuu ahaa waliba ninkii ugu lacagta badnaa ee ololaheeygii doorashada Madaxweynenimada Somaliland igu maalgeliyay,sidoo kale Xisbiyadda Kulmiye iyo Udub lacag ayuu siiyay,waxaan ku iri aniga iyo Siilaanyo waan kuu simanahay ee hanoo kala eexan laakiin koleeyba waxaan aaminsanahay inuu Siilaanyo siiyay shan jubaar lacag ka badan tan uu aniga I siiyay “ ayuu yiri Gudoomiye Faysal Cali Warabe oo Sep 28, 2012 Hotel Bisi ee Magaaladda Denhaag ugu waramayay Wariye Dahir Alasow.

Wareysiga Faysal Cali Warabe oo ah Maqal iyo Muuqaal soconaya halsaac iyo toban daqiiqo wuxuu ku xaqiijiyay in Shirkadda Dahabshiil maalgeliso Garabyada siyaasadda Somalia gaar ahaan Maamulka Somaliland. Halkaan ka daawo http://youtu.be/lM14LH4tYcc

Maamulka Ahmed Siilaanyo wuxuu Somaliland ka geystay tacadiyo iskugu jira dil,xarig iyo barakicin,waxaana lagu xasuustaa dagaalkii lagu hoobtay ee degaanada Kalshaale iyo Buhodle ay ku qaadeen ,iyadoo dhinaca kalena Maamulka Siilaanyo labadii sano ee la soo dhaafay uu Xabsiga dhigay 57 Wariye sida ku cad diiwaanka Hay’adaha u dooda Xaquuqda Saxaafadda halka Wariyeyaasha ay xireen qaarkood si naxariista ka fog u jirdileen.

Madaxweynaha Galmudug State of Somalia Mohamed Ahmed Caalin oo ka mida Saxiixayaasha Road Map of Somalia ayaa Wareeysi uu siiyay Voice of America laanteeda Somaliga wuxuu ku sheegay in Shirkadda Dahabshiil lacag badan ku bixisay burburinta Maamulka Galmudug State August, 01- 2012,waxaana Wareysigiisa ka jawaabay Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Mohamed Duale.Halkaan ka dhageyso http://cunaabi.com/playaudio.php?id=229

Madaxweyne Caalin wuxuu Maamulka Shirkadda Dahabshiil ugu baaqay inay siyaasadda faraha kala baxdo.

Feb 2, 2012 Darwiish Tv ayaa baahiyay Video uu ka duubay Shacabka ku nool Magaaladda Buhodle kuwaas oo Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay maalgelisay xasuuqii Maamulka Siilaanyo ku xasuuqay bulshada ku nool Buhodle , Kalshale iyo Lascano ,Halkan ka Daawo http://youtu.be/-IntcuG16Vo.

Dadka la hadlay Darwiish Tv oo iskugu jira qeybaha bulshada Buhodle waxay Dahabshiil ku eedeeyeen inay Baabuur dagaal iyo hub u iibiyeen Maamulka Siilaanyo .

SomaliChannel tv iyo Odweynenews.com ayaa Jan 14, 2012 waxaa lagu baahiyay banaanbax ay Magaaladda Berbera ka sameeyeen Cuuryaaminta Ururka Sooyaal ee dagaalyahanadii Jabhadii SNM kuwaas oo Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inuu tacadiyada baahsan ka wado gobolada Somaliland.

“ Gurigii aan hantida ka heynay ee Sooyaal ayuu Ganacsade Dhiigshiil (Dahabshiil) doonayaa inuu la wareego maadama uu yahay Maamulka Somaliland ninka afgambiga kula wareegay anaguna taas dhimasho ayaan ka xignaa,waxaana ku leenahay hantidaada iyo guryahaaga ayaa burburi doona” ayey yiraahdeen Cuuryaamiinta Sooyaal ,Halkaan ka daawo http://youtu.be/L7hNh3khUz4.

Shacabka Berbera ayaa , Mar 5, 2012 ku banaanbaxay Shirkadda Dahabshiil oo dooneysay inay xoog kula wareegto Warshada Shamiitada Berbera ,waxayna ku dhawaaqayeen “Dhiigshiil ha dhaco,Dahabshiil ha dhaco” Halkaan ka Daawo http://youtu.be/yXSUl3SPKME.

Awdal Tv ayaa Jun 22, 2012 Video ka duubay Ardayda Borama oo Shirkadda Dahabshiil ku eedeysay inay maalgeliso dagaaladda ka socda goboladda Waqooyiga Somalia iyo Maleeshiyadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koofurta Somalia ,Halkaan ka Daawo http://youtu.be/YIt_H8itmMU.

Naceybka bulshada Soomaaliyeed u qaadeen Shirkadda Dhiigshiil ayaa gaaray in barta Youtube la soo dhigo Jun 20, 2012 Video muujinaya dad jar jaraya boorarkeeda Magaaladda Borama kuwaas oo mudada ay jar jarayaan ku sheekeeysanayay in Dahabshiil halis ku tahay xasiloonida dalka Somalia,Halkaan ka daawo. http://youtu.be/Zb3oSz4zKJ8.

Golaha hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, Jul 16, 2012 ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay siyaasadda ku lug yeelatay ,iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay inay joojiso hanjabaada Saxaafadda madaxabanaan,Halkaan ka Daawo http://youtu.be/e7IrG8LTKug.

Kooxda Anonymous ayaa dagaal ay ugu magacdareen Internet War on terror ku qaaday Shirkadda Dahabshiil,waxayna faafiyeen dhamaan macluumaadkii macaamiisheeda ee ku jiray Database-ka Dahabshiil.

Kooxda Anonymous waxay ku hanjabeen inay dagaalka sii wadayaan hadii ay Dahabshiil laba bil gudahood ku qiran weydo inay taageerto Argagixisada Alqaeda.

Anonymous waxay weerarkooda sabab uga dhigeen cadeyn la xiriirto nin ka tirsanaa Shirkadda Dahabshiil oo lagu xiray Gauntanamo by kaas oo ahaa Maamulahii Dahabshiil ee Pakistan ,dhinaca kalena ka tirsanaa Alqaeda.

Maxkamadda Gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in si sharci daro ah Shirkadda Dahabshiil lacag ugu dirtay Al-Shabaab iyagoo lacagtaasna ku qoray magacyo haween ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu xukumay sanado badan oo xabsiya,Halkaan ka akhri Cadeeyn buuxda. http://www.investigativeproject.org/documents/case_docs/1355.pdf

New indictments unsealed in al Shabaab investigation

http://www.longwarjournal.org/archives/2010/08/new_indictments_unse.php

DAHABSHIIL HELPED SIILAANYO WITH GENOCIDE IN KHAATUMO STATE OF SOMALIA

http://allcayn.com/php/index.php?option=com_content&view=article&id=1237:dahabshiil-helped-siilaanyo-with-genocide-in-khaatumo-state-of-somalia&catid=1:latest-news

Dahabshiil Violations against Civilians condemned

http://khaatumastate.com/?p=672

Evil Triangle in Somalia: Secessionism, Terrorism, and then there is Dahabshiil

http://khaatumastate.com/?p=517

Khaatumo: Some Advice For The Participants At The London Conference

http://www.khaatumo.com/?p=25408

How Dahabshiil sents Money to Al-qaeda in Somalia

http://awdal.so/2012/02/26/how-dahabshiil-sents-money-to-al-qaeda-in-somalia/

Sunatimes: Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless
SUNATIMES CONTACT INFO
Political Chief Editor:
Abdi Mohamed
Email : info@sunatimes.com

Social Chief Editor:
Abdi Salan Abdulle
Email: abdisalan.abdulle@sunatimes.com

Sports Chief Editor:
Sunni Said Saleh
Email: sports@sunatimes.com

Radio Chief Editor:
Mohamed Osman Sheik
Email: radio@sunatimes.com

Senior news editor
Faduma Farah Ali
faduma.farah@sunatimes.com
--------------
Senior news editor
Hawo Abdulle Yusuf
hawo.abdulle@sunatimes.com
--------------------
Senior news editor
Muhiima Ahmed Mohamed
muhiima.ahmed@sunatimes.com
----------------------------
Senior news editor
Sahra Abdi Mohamud
sahra.abdi@sunatimes.com

COMMENTS ()
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
  • © Copy Right www.sunatimes.com 2009-2013 All Rights Reserved.
    Home | About Us | Site Map | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Contact Us