ALSO IN THE NEWS

Somtel Dahabshiil oo xanibtay 30 Websites

1
Monday August 20, 2012 - 14:06:03 in Latest News by Super Admin
  • Visits: 2892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somtel Dahabshiil oo xanibtay 30 Websites

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay dagaal xoogan kula jirta madaxbanaanida Saxaafadda ku hadasha afka Somaliga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay dagaal xoogan kula jirta madaxbanaanida Saxaafadda ku hadasha afka Somaliga.

Shirkadda Internet-ka iyo telefoonada bixisa ee Somtel Dahabshiil Groups ayaa guud ahaan adeegeeda Internet-ka block ama xanibaad ka saartay Website-yada taabacsan Maamul goboleedyada Awdal State ,Khaatuma State iyo Galmudug State.

Inta la xaqiijiyay Somtel Somaliland waxay adeegeeda ka xanibtay 30Websites oo 16 ka mida yihiin kuwa taabacsan maamul goboleedka Khaatuma State of Somalia sida ay xaqiijiyeen tifaftirayaasha Website-yada iyo wariyeyaasha jooga Buhodle.

Tifaftiraha Website-ka Afbakayle Mr Cadnaan Saalax oo Warbaahinta la hadlayay ayaa yiri " Internet-ka somtel Laascaano iyo Buhodle lagama booqan karo dhamaan lix iyo tobanka Website ee Khaatuma state,sidoo kale lagama booqan karo Website-yada aan kuu sheegay sida Sunatimes iyo Waagacusub laakiin qaar ka mida website-yada waxaan ka geli karnaa kaliya Telesom internet''

Tifaftirayaasha Kalshaale.com Xamse Xasan iyo Boocame.com Axmed Darwiish ayaa shirkadda Dhiigshiil ku eedeeyay inay fulineyso siyaasadda maamulka beeshooda ee Ahmed Siilaanyo.

Website-yada Khaatuma State taabacsan ayaa Internet-ka Somtel looga xanibay inay bulshada akhrisan warbixinadooda khaatumeysan,waxayna kala yihiin

1- khaatumo.com

2- Allssc.com

3- boocame.com

4- Boocameonline.com

5- Realtaleex.com

6- Nugaalmedia.com

7- horufadhi.com

8- afbakayle.com

9- lasanod.com

10- xargaga.net

11- holhol.net

12- kalshaale.com

13- Ceegaagmedia.com

14- Jidbaale.com

15- Buhodle.net

16- Khaatuma.com

Isgaarsiinta Somtel oo hoos tagta Shirkadda Dahabshiil Groups waxay sidoo kale Block saareen Website-yada taabacsan Maamul goboleedka Awdal State kuwaas oo kala ah.

1- Sawnews.net

2-awdalnation.com

3- awdalstate.com

4-awdal.so

5- heemaalnews.com

6-Samaronmatters.com

7-Harowo.com

Isgaarsiinta Dahabshiil ee Somtel Somaliland waxay hore u xanibtay booqashada Website-yada Galmudug State iyo kuwa madaxbanaan waxayna kala yihiin.

1- Galmudugnews.com

2- Galmudugtv.com

3-Qurbejoog.com

4-Beeldeeq.com

5- Waagacusub.com

6-Halbeegnews.com

7- Sunatimes.com

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay dagaal xoogan kula jirta madaxbanaanida Saxaafadda ku hadasha afka Somaliga.

"Dahabshiil Groups waxay laba laabtay caburinta Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia sidaas darteed waxaanu ku guda jirnaa dacwad Caalamiya taas loo gudbiyay Qaramadda Midoobay waaxda qaabilsan ilaalinta xoriyada Saxaafadda madaxabanaan"ayey tiri Xoghayaha guud ee ASSOCIATED SOMALI JOURNALISTS Mrs Fadumo Farah.

Fadlan hadii aad tahay Wariye caburin ama tacadi kala kulmay Dahabshiil Groups la xiriir [email protected].



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Copyright © 2009 - 2024 Sunatimes News Agency All Rights Reserved.
Home | About Us | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Suna TV | Contact Us