ALSO IN THE NEWS

ASOJ oo sheegtay in Maamulka Universal TV Muqdisho maleegeen dilka Metra Abdi Omar.

0
Monday June 11, 2012 - 22:58:19 in Latest News by Super Admin
  • Visits: 2607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo sheegtay in Maamulka Universal TV Muqdisho maleegeen dilka Metra Abdi Omar.

    By Fadumo Farah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Fadumo Farah.

ASOJ.ORG - Baaris ay sameeysay Associated Somali Journalists ASOJ ayaa lagu xaqiijiyay in Saxaafiyadda Metra Abdi Omar Indhacase u dhimatay sun la siiyay.

Dhaqtarka Metra Abdi Omar ayaa ASOJ u xaqiijiyay in la sumeeyay Saxaafiyada dhimatay ,sida uu ku ogaaday baaristiisa,

Hooyada dhashay Metra Abdi oo Wariyeyaal ka tirsan ASOJ ku booqdeen gurigeeda waxay tiri “ Gabadheeyda markii uu dhaqtarka xaqiijiyay in la sumeeyay ,waxay igu tiri hooyo waxaa I sumeeyay hebel,waan aqaanaa laakiin hadaan dhinto yaan waxba lagu sameeyn”

Baaris ay sameeyeen Wariyeyaasha ASOJ waxay ku ogaadeen inuu khilaaf mudo dheer socday ka dhaxeeyay Agaasimaha Telefishinka Universal Muqdisho Ibrahim Jeekey iyo Saxaafiyada dhimatay ee Metra Omar.

Metra allaha u naxariistee ,inta ay dhiman ka hor waxay Wariyeyaashii booqday ku tiri “ Ibrahim Jeekey ayaa ka shaqeeyay sunta aan cabay,waxaana I siiyay nin lagu magacaabo Macalin Taatiko oo qeybta Turjubaanka UNIVERSAL TV joogo”

Allaha u naxariisto Metra waxay suntan la siiyay la xanuunsaneed todobaad ,kadibna waa u dhimatay suntan.


Associated Somali Journalists ASOJ waxay Dowladda KMG iyo Maamulka Universal Tv ugu baaqeeysaa inay baaris ku sameeyaan habkii loo sumeeyay Metra Abdi Omar.

ASOJ oo aad uga xun falka lagu sumeeyay Metra waxay ku baaqeeysaa in Maxkamad la horgeeyo shaqsiyaadka suntan siiyay gabadha geeriyootay,iyadoo la hayo cadeeymo ka marqaati kacaya habkii loo sumeeyay Gabadha iyo dhaqtarkii baarista ku sameeyay jirkeeda.

Waa arrin aad looga xumaado In qof ka tirsan bahda Saxaafadda dilo ama sumeeyo qof la xirfada ,waxaana muhiima in falka nuucaana laga hortagaa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Copyright © 2009 - 2024 Sunatimes News Agency All Rights Reserved.
Home | About Us | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Suna TV | Contact Us